Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay fuliyay weeraro isugu jira qaraxyo iyo duqeyn oo ka dhacay qeybo kamid ah goballada Galgaduud, Banaadir iyo Sh-hoose.
Haddaan ku horreyno gobalka Banaadir, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar qarax ah la beegsaday askar katirsan DF oo ku sugnaa qeybo kamid ah caasimadda Muqdisho.
Goob ay ku sugnaayeen askarta DF ayaa lala beegsaday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay 1 askari.
Dhanka gobalka Sh-hoose, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen weerar qarax ah, kaas oo ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobalkaas.
Ugu yaraan 2 askari ayaa la xaqiijiyay in laga dhaawacay askarta DF.
Ugu dambeynna gobalka Galgaduud ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa madaafiic ku asqeeyay saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen askar katirsan DF.
Tiro madaafiic ah ayaa lala beegsaday fariisinka askarta DF ee degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud.