Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa ku waramaya in mar kale weeraro lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka Ceynul Asad ee ku yaalla galbeedka waddankaas.
Weeraradaan oo 2 ahaa islamarkaana loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaanno Drones-ka ayaa lagu beegsaday saldhigga ciidamada Mareykanka Ceynul Asad oo ku yaalla magaalada Al-Anbaar ee galbeedka dalka Ciraaq.
Saldhiggaan ayaa waxaa ku sugan ciidamo American ah, waxaana sidoo kale weerarada ay beegsadeen xarun kale oo ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Mandiqadda loogu yeero qadka cagaaran ee ku taalla dalka Suuriya.
Ila wareedyo katirsan wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pengtonka ayaa xaqiijiyay in weeraro diyaarado Drone ah loo adeegsaday lagu soo qaaday xarumo ay ku leeyihiin CIraaq iyo Suuriya.
Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada Mareykanka ee ku sugan saldhigga Al-furaat si ay u taageeraan maleeshiyaadka Nuseyriyada iyagana lala beegsaday weerar duqeyn ah, kaas oo sababy khasaare isugu jira naf iyo maal.
Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalalka CIraaq iyo Suuriya ayaa wajahaya weeraro culus oo loo adeegsanayo sawaariikh iyo diyaarado Drone ah, kuwaas oo mudooyinkii lasoo dhaafay sii xoogeystay.
Tan iyo bishii October ee lasoo dhaafay waxa ay wasaaradda difaaca ee dowladda Mareykanka sheegtay in wax ka badan 150 weerar lagu qaaday xarumo mellatari oo ay ku leeyihiin Ciraaq iyo Suuriya.
Mareykanka oo ciidamo gaaraya 2500 ay ka joogaan dalka Ciraaq ayay wararka qaar sheegayaan in la filayo in dhawaan ay gabi ahaanba isaga baxaan dalkaas, sida lagu sheegay warbixinno la shaaciyay.