HomeAll newsWeeraro Lagu Dilay Askar Katirsan Xukuumadda Burkinafaso oo ka Dhacay Gudaha Dalkaas.

Weeraro Lagu Dilay Askar Katirsan Xukuumadda Burkinafaso oo ka Dhacay Gudaha Dalkaas.

Wararka ka imaanaya Mandiqadda Saxaraha iyo Saaxilka Africa ayaa ku waramaya, in Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee ka Jihaada Mandiqadda ay silsilado weeraro ah la beegsadeen askar katirsan ciidanka xukuumadda Burkiina faaso.

Weeraradaan oo isugu jiray kamaa’in iyo kuwa toos ah ayay Mujaahidiintu la beegsadeen askarta xukuumadda Burkinafaso, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh, kaas oo la gaarsiiyay ciidamada xukuumadda Bomako.

Bayaan kooban oo kasoo baxay Mujaahidiinta nasaratul islaam wal muslimiin laguna faahfaahinayay weeraradaan lagu beegsadey ciidanka burkina faaso ayaa looga hadley khasaaraha ka dhashey holwgallada aadka u xoogan oo lagu beegsadey askarta burkina faaso.

“Allaah Faligii Mujaahidiinta nasrtul islaam wal muslimiin waxay u suurtagashay in ay weerar kamiin ah ku qaadaan Ciidanka Burkina Faso oo marayay duleedka magaalada Negadni oo u dhaxaysa. Tinkdougou iyo Beto” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta oo ay baahisay Mu’assasada Az-Zallaaqah.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in weerarkaan kamiinka ah lagu dilay 9 askari oo ka tirsan ciidamada xukuumadda  , waxayna Mujaahidiintu ka qaniimeysteen Hub isugu jira qoryaha BKM-ka iyo AK-47, iyo  Mootooyin ay wateen askarta xukuumadda Burkinafaso eek u dhacay weerarkaan kamiinka ah ee ay kala kulmeen Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin.

Sidoo kale Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul islaam Wal Muslimiin ayaa weerar kale ku qaaday askar katirsan xukuumadda Bukrinafaso, waxaana bayaanka lagu yiri.

“Ciidamada mujaahidiinta ayaa markale weerar kamiin ah ku qaaday Ciidanka  burkina faso oo iyana ku sugnaa deegaanka Lalgi oo u dhaxeeya Warghiga iyo Tinkodjo’iyadoona weerarkan lagu dilay 4-maleeshiyo, waxanaa kusoo qamiineysay 4 qori oo AK-47 ah, iyo Mootooyin” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mujaahidiinta Al-Qaacida ee galbeedka Africa.

Weerar labadaan ka duwan oo cagmarin ahaa ayay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin la beegsadeen askarta xukuumadda Burkinafaso.

“Dagaalyahannada nasratul Islaamka wal Muslimiin ayaa weerar ah ku qaaday askar katirsan ciidanka Burkinafaso oo ku sugnaa gobolka Kogbelo, halkaas oo ay ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan cadawga, waxayna qaniimeysteen baabuur iyo hub ciidan, oo kala ah 6BKM ah, 6 Ak-47 ah, 2 bastoolad, 5 mooto iyo agab kale oo ciidan.” ayaa lagu soo gaba gabeeya bayaaanka kasoo baxay mujaahiddinta Jammaacada Nursatul Islaam Wal Muslimiin ee ka dagaalama saxaraha iyo saaxilka afrika.

Mudooyinkii lasoo dhaafay waxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee galbeedka Africa kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan Mandiqadda, kuwaas oo ay ku beegsanayaan askarta xukuumadaha Maleeshiyaadka Murtazaqada Fagnar, kuwa Mali, Burkinafaso, Niger, iyo dowlado kale oo dhaca Mandiqadda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular