Maalintii shalay waxaa dalka Jabuuti ku geeriyootay Khadiijo Maxamed Diiriye oo aheyd wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee dowladda federaalka.
Xasan Nuur Sabtow oo aqoon durugsan uleh khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka sheekeeyay taariikhda madow ee ku gadaaman khadiijo.
Waxa uu sheegay sagaashameeyadii inay soo bilowday oo si weyn loogu bartay inay haweenka soomaaliyeed kasoo saarto guryahooda iyadoo ku dhiira galin jirtay ciyaaraha una kireyn jirtay guryo ay ku kulmaan raggga iyo haweenka ciyaaraha ku howlan.
Khadiijo oo da’ aheyd ayaa aad ugu ololeyn jirtay in Dhanka kale haweenka ay ku biiraan siyaasada oo kasoo baxaan guryahooda.
Khadiijo ayaa laf dhabar u aheyd dowladii shisheeyu taban taabinayeen ee soo maray Soomaaliya iyadoo in ka badan 16 sanno ku jirtay dowladda oo xilal kala duwan kasoo qabatay.
Halkan ka dhageyso Wareysiga Sabtow.