HomeAll newsRuushka oo Duqeeyay Xarun Tareennada Laga Raaco oo ku Taalla Ukraine.

Ruushka oo Duqeeyay Xarun Tareennada Laga Raaco oo ku Taalla Ukraine.

Dalka Ukraine waxaa wali ka soconaya dagaallada iyo duqeymaha ay is weydaarsanayaan dowladaha Ruushka iyo Ukraine, kuwaas oo uu muddo ku dhaw laba sano uu ka dhex aloolsan yahay dagaal aad xooggan oo gallaaftay nolosha kumannaan ruux.

Wararka ka imaanaya dalka Ukraine ayaa sheegaya in dowladda Ruushka ay duqeyn horleh ka geysatay qeybo kamid ah dalkaas, taas oo dhalisay waxyeello kala duwan oo soo gaartay dad rayid ah oo ay duqeyntu bartilmaameedsatay.

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, 4 kalena wey ku dhaawacmeen duqeyn ay dowladda Ruushka ka geysatay xarun tareennada laga saaro oo ay dad badan ku sugnaayeen, kuwaas oo kasoo cararay magaalada Kherson ee dhacda koonfutra Ukraine oo ay dagaallo ka socdaan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Ukraine.

War qoraal ah oo uu wasiirku kusoo  daabacay baraha uu Internetka ku leeyahay ayuu ku sheegay, in ku dhawaad 140 ruux oo rayid ah ay sugayeen iney tareen ka raacaan xarunta, isla xilligaas ayuuna Ruushku billaabay in duqeyn culus uu ku garaaco dadkii goobta ku sugnaa.

Waxa uu intaas ku daray in duqeynta ay ku dhinteen hal askari oo Bolis ah iyo iyo qof kale oo rayid ah, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 2 askari oo kale oo isla Boliska katirsan, kuwaas oo ku dhaawacmay firirka duqeynta.

“Tiro kamid ah dadka rayidka ah ayaa ku sugnaa goobta ay duqeynta ka dhacday, qolyaha gurmadka degdegga ah ayaana islamarkiiba goobta gaaray” ayuu yiri madaxweynaha Dolwadda Ukraine Faladamiir Zelenesky oo ka hadlay duqeyntaan cusub ee uu Ruushku ku beegsaday xarunta tareennada laga raaco ee ku taalla gudaha dalkaas.

Sharikadda qadka Tareennada ee Ukraine ayaa dhankeeda sheegtay, in xarunta iyo tareen yiillayba ay soo saartay waxyeello kala duwan, balse ay xaaladda xakameeyeen, xaruntuna ay iminka diyaar utahay iney howsheeda sii wadato.

Ciidamada Ruushka ayaa magaalada Kherson qabsaday dhammaadkii bishii febraayo ee sannadkii 2022-ka, kolkaas oo uu billawday dagaalka Ukraine, muddo kadib ayayna halkaas isaga insaxaabeen, kadib cadaadis xooggan oo kaga yimid dhanka Ukraine oo garab ka heleysa dowladaha reer-galbeedka.

Tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay ciidamada Ruushka ayaa si joogta ah madaafiic ugu garaacaya magaalada Kherson, kol sii horreysay oo shalay aheyd ayuu gudooniyaha magaaladaan sheegay, in Mandiqaddu ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay marti galisay duqeyno aan kala joogsi laheyn, kuwaas oo sababay dhaawaca ugu yaraan 4 ruux, oo midkood ay xaaladdiisu halis tahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular