Wali waxaa xeebaha Badda Cas ka taagan xiisadda colaadeed ee u dhexeysa dowladda Mareykanka iyo Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, kadib markii ay kooxda weeraro badan ku qaaday maraakiib urarnaa maamulka Yahuudda oo xeebahaasi isticmaalayay, Mareykanka uu ku dhawaaqay ibsageysi caalami ah oo ka dhan ah weerada kooxda.
Dolwadda Mareykanka ayaa sheegtay, in howlgal ay ka fulisay xeebaha Badda Cas ay ku beegsatay diyaarado Drone ah oo ay leeyihiin Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, kuwaas oo ay xustay iney rabeen weeraro ay ka geystaan xeebaga Badda Cas.
Wasaaradda dagaalka ee dowladda Mareykanka ayaa shaacisay, in mellatariga xukuumadda Washington ay soo rideen duyaarado Drone ah iyo Sawaariikh ay maleeshiyaadka Xuuthiyiinta kasoo direen dhanka Yeman, islamarkaana ku wajahnaa doomo marayay xeebagada Badda Cas.
Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray islamarkaana uu ku baahiyay baraha ay bulshadu ku xiriirto ku sheegay, in ciidankoodu ay soo rideen illaa 12 diyaaradood oo Drone ah, iyo 3 sawaariikh oo nuuca balaastiigga ah, iyo 2 Kuruuz ah, kuwaas oo ay Xuuthiyiintu 10-kii saac ee lasoo dhaafay kusoo direen dhanka Kuunfureed ee xeeabahaan.
Waxa uu talisku sheegay, in weeraradaas aysan doomaha ku sugan mandiqadda u geysan wax khasaare ah, islamarkaana aan iyaga lasoo gaarsiin dhibaatooyin ka dhashay weerarada.
Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ay taageerto dowladda Shiicada ah ee Iiraan ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay sii kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan xeebaha Badda Cas ee ay ku beegsanayaaan doomaha isticmaala xeebahaas.
Mareykanka ayaa horraan isclaamiyay isbageysi ka dhan ah Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, tan iyo wixi xilligaasi ka dambeeyayna waxa uu fuliyay illaa 3 howlgal oo uu ku beegsaday diyaaradaha Drone-ka ah iyo sawaariikhda ay Xuuthiyiintu kusoo tuurayaan xeebaha Badda Cas.