HomeAll newsGaari Cabdi bile ah oo Lagu qarxiyay gudaha magaalada Kismaayo.

Gaari Cabdi bile ah oo Lagu qarxiyay gudaha magaalada Kismaayo.

Qarax aad uxoogan ayaa xalay laga maqlay xaafadaha magaalada Kismaayo kaasi oo lala beegsaday gaari cabdi bile ah.

Ciidamo katirsan Alshabaab ayaa qaraxaan la beegsaday gaariga oo ay la socdeen Ciidamada  Bangarafta ee Maraykanku tababaray.

Gaarigaan ayaa qeyb ka ahaa kolonyo ay la socdeen ciidamada Bangaraf kuwaasi oo hawada sare ay ka ilaalinayeen Diyaardaha Maraykanka si dhulka howdka ah kaga baadi goobaan Ciidamo katirsan  Bangaraf  oo nolal iyo geeri lagu haynin kadib dagaallo lagu jabiyay Bangarafta oo shalay ka dhacay duleedka Kismaayo.

Diyaarad Elecobtar ah ayaa soo cago dhigatay Goobta cabdi bilaha lagu qarxiyay waxayna daabushay meydadka iyo dhaawacyada ciidamada dowladda.

Shalay ayaa dagaallo culus waxay ka dhaceen duleedka Kismaayo kuwaasi oo udhaxeeyay ciidamada Alshabaab iyo kuwa Dowladda.

Xarakada Alshabaab ayaa sheegtay dagaalladii shalay dhacay oo dhowr jeer lagu jabiyay Ciidamada dowladda ay ku dishay 15 Askari kuna dhaawacday 18-kale.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Dalka idinkaa leh. Kuwa ajaanibtu rabto inay dalka cuqabsato, waa nin hooyadii ninkii kufsanayey uqabtay oo kale. Diin maleh, Damir, maleh dadnimana haba sheegin. Iskama kiin dhicinkaraan. Gaaladaa iska kiin xijinaysa.
    Laaya cawaanka. Allah ayaa idin garabsiinaya. Guusha idinkaa leh dembe waayo hooyadiin dhukeedii ayaad kudhimateen. Waayo shareecada ayaad difaacasaan. Guul ragga asxaabtii matalow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular