Duullaanka Cudwaaniga ah ee uu Maamulka Yahuudda ku qaaday magaalada Qaza ayaa galay maalinkii 82-aad oo xiriir ah, halka iska hor-imaadyo culus oo khasaare badan lagu gaarsiiyay ciidamada Maamulka Yahuudda ay ka soconayaan degaanno badan oo dhaca Jiidda Qaza.
24-kii saac ee lasoo dhaafay waxa uu Kayaanka Suhyuuniga ah xasuuq daran ka geystay degaanno dhowr ah oo katirsan magaalada Qaza, kuwaas oo isugu jira duqeymo bahaalnimo ah iyo weerar toos ah oo ay ku beegsanayaan dadka rayidka ah.
Maamulka gumeysiga Sahaayinada ayaa waxaa goobaha uu beehsanayo kamid ah masaajidda, isbitaallada, madaariista, iyo goobaha caamka ah ee bulshada loogu adeego, kuwaas oo ay soo maciin bideen dad badan oo barakacayaal ah, si ay kaga nabad galaan duqeymaha bahalnimad ah ee uu maamulkaaan dhul boobka ku dhisan ka geysanayo Jiidda Qaza.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Dagaalka Qaza oo galay maalinkii 82-aad.