Wararka naga soo gaaraya gobalka shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya inay xalay dagaallo culus gobalkaasi ku dhexmareen ciidamada xarakada Alshabaab iyo kuwa Atmis.
Dagaalyahanada Alshabaab ayaa weeraray saldhigyo ku yaalla gobalka sida ay alfurqaan uxaqiijiyeen illo wareedyo mas’uul ah.
ugu horeyn Ciidamada Mujaahidiintu waxey habeenkii xalay dagaallo culus ku qaadeen xerada Ciidamada Atmis iyo kuwa dowladda ee ku sugan deegaanka Ambareeso ee hoostaga degmada Baraawe.
Isla Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiintu xalay dagaallo culus ku qaadeen xeryaha ciidanka Kufaarta Afrikaanta ee deegaanada Laanta Buura iyo Buurcolow oo hoostaga Baraawe.
Isla Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiintu howlgal shalay ay ka fuliyeen duleedka degmada Jannaale waxey ku qabsadeen Moota ay lahaayeen Ciidamada Dowladda.