HomeAll newsProf Cabdi Ismaaciil Samatar "Xasanow Masjidka Riwaayadda ka daa"

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar “Xasanow Masjidka Riwaayadda ka daa”

Prof Cbadi Ismaaciil Samatar oo wax ak dhiga Jaamacadaha Maraykanka qaarkood kana tirsan Aqalka Sare ee Baarlaaanka Federaalka ah ayaa ka hadlay damaca Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Xasan Gur guurte ee ah in uu Xeerkooda wax ka bedelo si uu Meesha uga saaro Xilka Ra’iisalwasaaranimo  kuna bedelo Madaxweyne Xigeen Qorshahaasoo ah mid uu u arko in uu Mudda dheer ku soo joogi karo.

Cabdi ismaaciil waxa uu sheegay in Madaxweynuhu Wasiirada ku canaanayo in mid waliba oo ka mid ah  ahba laba Xildhibaan  Beeshiisa ah ka dhaadhiciyo in ayk ka qayb qaataan ansixinta qorshaha uu gogol xaarayo oo ah mid aan looga maarmeyn in uu Baarlamaanku Meel mariyo.

wuxuu sheegay Xasan Musuq Maasuq dhaqaale iyo mid Siyaasadeedba ku kacay waxaanuu sheegayaa in safiirada la magacaabayo ay hal dhinac u badan yihiin geesta kalena Raashinka iyo Saanadda Ciidanka qolooyin gaar ah qandaraasyo lagu siiyay Ciidankana lacag saa id ah looga iibsado.

Waxa uu Xusay in Meeshii ay ahayd in Baarlamaanku Xeerarka au curiyo Iminka Madaxweynuhu soo curinayo ama soo allifayo.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in qorshihii Dagaal ee ka dhanka ahaa Xarakada Shababaul Mujaahidiin ee Madaxweynuhu qaatay dhicisoobay waxaanuu yiri “Alshabaab lagama adkaan lalamana heshiin”.

Cabdi Ismaaciil samatar waxa ayaa hoosta ka xariiqay in Xasan Sheekh Jimco walba oo asigu ka khudbeeyo Masjidka Madaxtooyada halkaana Riwaayado uun ka sheego asigoo ula jeeda in uu been iyo marin habaabin la soo indha cad yahay.

“waxaa dadku isweydiiyaan waxaan uu sheegayo iyo waxa suuqa iyo  Dowladdiisa dhexdeeda ka socdaa isma lahan, marka ma Ilaaahay baa Riwaayad loo dhigayaa?” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samtar waxaanuu intaa ku daray ‘waxaa dad badani is leeyihiin Madaxweynuhu muxuu uga xishoo la’yahay in uu Masaajidkii Ilaahay inta istaagu uu Been ka dhex sheego?’

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Nimankaa waa calooshooda ushaqaystayaal.
    Mumuniin laguma sheegi Karo lkin Muslim bay sheegtaan. Taasaa riwaayada. Ayaguna soomalidda riwaayadda haka daayaan. Xasana riwaayadaba meesha ragg u gaystay ilaamaantana ku ilaaliyaan. Marka xasan shaqadiisii waa hastaaya addinku mujaahidiinta barakaysan shaqadiinii mahaysataan. Waa inaad dalkiina uu kaquustaa gaal iyo dabadhilif. Waa in raayada suubanaha xamar kataagtaan. Waa inaad dalkiina Murad danbe gallin waligiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular