Dowladda Itoobiya ayaa dhaqamo gumeysi oo hor leh kusoo rogtay dadka ku dhaqan dhulka Soomaaligalbeed iyadoo boobeysa xoolaha.
Dhibaatada ugu daran ayaa hadda ka taagan gobollada Faafan iyo Jarar, iyo qeybo kamid ah Qorraxay sida ay kusoo warramayaan dadka degaanka iyo suxufiyiinta.
Saraakiisha Itobiyaanka ee hogaaminaya ciidanka qaabilsan boobka xoolaha oo la yiraahdo FINAS ayaa Soomaalida ku amray inay xoolaha xeryahooda ku heystaan, haddii kalana ay la wareegi doonaan neefkii ay arkaan isagoo daaqaya bannaanka magaalooyinka iyo tuulooyinka.
Sida aan xogta ku heleyno ciidanka Finaas ayaa la wareegay kumannaan neef oo u badan Ari, xoolahaas oo kasoo haray kuwii ku baaba’ay abaartii gobolka ka jirtay bilihii lasoo dhaafay.
Arrintan waxaa lagu fasirayaa mid ay Xabashidu ku dooneyso iney ku qixiso gabi ahaanba dadka Soomaalida, kadibna dhulka dajiso qoysas Amxaaro ah.
“Adeerow xoolahayagii waxay noqdeen contarabaan, askariga Xabashiga ah markuu arko xoolo daaqaya wuu iska dareersanayaa, markaad weydiisana wuxuu ku leeyahay waa xoolo sharci darro ku daaqaya, su’aal labaad haddaad weydiisana wey ku dilayaan oo cid ay kaaga baqanayaan ma jirto” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah odayaasha gobolka Jarar oo codsaday inaan magaciisa iyo codkiisaba la adeegsan sababo la xariira ammaankiisa.
Shacabka goboladan ayaa horey wax walba loogu tijaabiyay, waxaa la dilay akhiyaartoodii iyo culimadooda, waxaa xabsiyada lagu guray wiilashoodii, sidoo kale waxaa la kufsaday dumarkoodii, halka hantidoodii ganacsiga ahaydna la dhacay.
Tani waa Naadi Saxane oo kamid ah gabdhaha Xabsiga lagu dhibaateeyay.
Markii ay Xabashidu arkeen inaan laga dhiidhineyn tacaddiyadaas ayaa waxay soo rogeen amarka lagu boobayo xoolaha Soomaalida, xataa kuwa ganacsiga iyo suuqyada loo wado. Waxaa lasoo sheegayaa in seyladda xoolaha ee Jigjiga ay qarka u saaran tahay iney xiranto kol hadduusan jirin marin aamin ah oo lasoo mariyo xoolaha.
Ciidanka FINAAS ayaa go’doomiyay degaan walba iyagoo ugaarsanaya xoolaha, taasina waxay meesha ka saartay xoolihii Jigjiga looga soo iib geyn jiray Qabri-bayax, Banka wajaale, Baabili, Xaadow illaa Dhaxabuur.
Qeybo kamid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya waxaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay soo gaaray qoysas badan oo laga soo barakiciyay dhulkoodii lagana qaatay xoolahoodii, waxaana dadka ka hadlay kamid ah siyaasiga Cabdi Nuurre Siyaad.
Wariyaasha ku sugan dhulka Soomaaligalbeed ayaa soo sheegaya in Itoobiyaanku dadka ay dhaceen ay hortooda ku qalanayaan xoolaha, kuna cunayaan hilbahooda qeyriin iyo biseyl intaba, hilib wixii kasoo hara sida caloosha iyo madaxana ay ka iibinayaan isla Soomaalida, halka qeyb kamid ah xoolaha iyagoo nool ay ku wareejinayaan hey’adaha qaabilsan dakhliga dowladda.
Xaaladda dhulka Soomaaligalbeed waa mid aad u murugsan, magaalooyin ay kamid tahay Dhagaxbuur waa go’doon xilligan, sababtoo ah ma jiro gaadiid raashin ama xoolo sida oo geli kara.
Degmooyinka dariska ah ee isku dhow iskuma gudbi karaan, mana awoodaan iney ganacsi iyo mucaawino is gaarsiiyaan, laakin nasiib darro qaadka ay wadaan ganacsatada Amxaarada waa mid xilli kasta galaya magaalooyinka halka xoolihii ay xaaraan noqdeen.
Mustafa Cagjar oo ah wakiilka Itoobiya ugu magacaaban dhulka Soomaaligalbeed, marnaba kama uusan hadal xadgudubyada xarkaha goostay ee lagu hayo dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.
Falanqeeyeyaashu waxay soo sheegayaan in arrimahan ay hordhac u yihiin tacaddiyo silsilado ah oo loo qorsheeyay dadka Soomaalida kuwaasoo si gaar ah loogu wajihi doono Geelleyda ku dhaqan gobolka Daawo.
Siyaasadda lagu barakicinayo dadka Soomaalida laguna boobayo xoolahooda ayaa ah istaraatiijiyad uu horey u dajiyay ra’iisulwasaarihii hore ee Itoobiya Millis Zinawi kaasoo keenay xeelad qabow oo dadka loogu sheegayo iney beero tacbadaan iskana daayaan dhaqashada xoolaha, waayo qofka xoolaleyda ah lama gumeysan karo oo meesha uu doono ayuu u guurayaa, halka qofka beeraleyga ah uusan ka guuri karin.
Itoobiya waxay Soomaalida in badan oo kamid ah ku kari weysay iney dhaqashada xoolaha ka guuraan oo beeraley noqdaan, taasina waxay keentay in laga boobo xoolaha lana barakiciyo. Haddaba iyadoo ay dadku la daalaadhacayaan dhibaatooyinkaas ayuu maamulka Cagjar billaabay inuu lacago baad ah kusoo rogo dhammaan gobolada.
Go’aankan oo uu soo saaray Xuseyn Qaasim oo kamid ah mas’uuliyiinta madaxtooyada Jigjiga ayaa lacago malaayiin doolar ah looga uruurinayaa dad iyaguba la dhibaateysan daadadka, sicir bararka iyo dhaca xoolahooda. Waxaa hantidan xoogga looga soo uruurinayo degaanada Soomaalida lagu sheegay iney tahay mid lagu kabayo dakhliga maamulka Jigjiga maadaama la joojiyay canshuurtii laga qaadi jiray ganacsatada qaadka ee Amxaarada.
Guntii iyo gunaanadkii, xaaladdu waxay mareysaa in dadka Soomaalida lagu amro iney bixiyaan canshuurta qaad aysan iyagu lahayn oo ay keensanayaan ganacsatada Amxaarada. Dhawaan waxaa magaalada Jigjiga lagu qabtay munaasabadda qowmiyadaha Itoobiya oo muddo todobaad ah lagu caweynayay laguna tamashleynayay, waxaana dhaqaalaha ku baxay oo malaayiin doolar ah laga soo uruuriyay dadka Soomaalida ah.