Sheekh Cabai-waxaad Ixaaq Muudey o ka mid ah Culumada Diinta islaamka ayaa ka hadlay Arimaha Fataadaha iyo waxa sababa iyo waxa inala gudboon,
Sheekhu waxa uu sheegayaa in Musiibooyinka iminka jira ay sabab u yihiin Dunuubta iyo Macaasida la galay.
wuxuu sheegay in Maadaama aanu nahay ay nala gudboontahay in aan Towka Keeno oo Allaah tuugno si uu Musiibooyinka inooga qaado.
wuxuu sheegay in sidoo kale ay nagala rabo in aan isu gurmano oo garab iyo gargaar la siiyo dadka Musiibooyinku saameeyeen ee Muslimiinta ah.
Roobab Xoogan ayaa ka da’aya Dalkeena Soomaaliya waxaana Meelaha qaar ka jira Jira fahahado ay sameyeen Webiyada Shabeelle iyo Jubba.
Daadadka soo rogmay ayaa Magaalooyin ay ka mid yihiin Gaalkacyo iyo Baydhabo iyo Magaalada Mandheera ee Dhulka Soomaaliyeed ee Kenya gumeysato ku dilay Dad halka kuwa kalena ay waxyeelo soo gaartay.