HomeAll newsDhegeyso Maamulka Koofur Galbeed oo Isbaaro dhigtay  Cirifka Muqdisho.

Dhegeyso Maamulka Koofur Galbeed oo Isbaaro dhigtay  Cirifka Muqdisho.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa Meel u Muuqata Magaalada Muqdisho ha yeeshee ka tirsan Gobalka Shabeelhaa hoose waxa ku qaadayaa Canshuur asigoo ku doodaya in Degaankaasu ka mid yahay Dhulka uu ka taliyo.

Degaanka Ceel Huur oo u dhexeeya Jasiira iyo Muqdisho una dhaw Xeebta ayaa waxaa taalla Isbaaro  ay joogaan Ciidamo Hubeysan oo ka tirsan Koofur Galbeed kuwaa oo Gaadiidleyda ku amraya in ay lacagta laga doonayo bixiyaan.

Milkiilayaasha iyo wadayasha Gaadiidka iska rogayaasha ah ee Carada iyo dhagaxa qaada ayaa ka cabanaya lacagta looga qaadayo Meel kaabiga ku haysa Muqdisho iyadoo ay ku dheer tahay tii Maamulka Gobalka Banaadir ka qaadayay.

“Koontaroolka Canshuurta lnalooga  qaado Gobalka Banaadir wuxuu u jiraa wax yar laba kiilow mitir, marka laba kiilow mitir in aan Canshuur ku siino Gobalka Banaaadir, Koofur Galbeedna ku siino wax na qabto ma ahan” ayuu yiri midka mid ah Gaadiidleyda oo aad uga xun lacagaha is daba jooga ah ee labada Maamul ka rabaan.

Maamulada Soomaaliya ka jira ee Shisheeyuhu dhisay ayaa dhibaatooyin dhinacyo kala duwan leh ku haya Dadka Soomaaliyeed waxaana qayb ka ah Isbaarooyina lacagaha baadda ah lagu qaado marar badana waxaa lagu dilay Isbaarooyinkaas Darawalo iyo caawiyaashoode iyo dad Rakaab ah intaba.

Halkaan ka dhegeyso War_Isbaarada mamaulka Koofur Galbeed

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular