DF ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa Jimcihii shalay ku biirtay ururka la yiraahdo Bulshada Barifa Afrika oo ay ku mideysan yihiin dalal dhowr ah.
Ururka oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano ururka Bulshada Bariga Africa ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano EAC.
Inkastoo ururkan uu yahay isbahaysi siyaasadeed oo qolo walba danteeda ku goosato, haddana waxay sheegaan inuu ka shaqeeoyo ganacsiga iyo fududeynta isku socodka dalalka isbahaysiga ah.
Xasan Sheekh ayaa muddo ku celcelinyay inuu ku biirayo ururka, halka siyaasiyiin badan ay ka digayeen iyagoo sheegaya in ku biirista ay keeni doonto in wadanka ajaanib malaayiin ah lagu soo fasaxo gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh ayaa mid kamid ah khudbadihiisii ku aadanaa ku biirista ururkan ku sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay iney u diyaar garoobaaan sidii ay wax ula qeybsan lahaayeen 3 boqol oo milyan oo qof oo ajnabi ah.
Haddaba ururkan ayaa waxaa la aas-aasay sannadkii 1967 wuxuuna burburay 1977 oo ku beegnayn toban sanno guuradiisii. Balse waxaa dib loo yagleelay sannadkii 2000, waxaana hadda xubno ka ah dalalka Congo DRC, Burundi, Kenya, Ruwanda, Koofurta Suudaan, Uganda, Tanzania iyo Soomaaliya oo hadda ku biirtay.
Khubarrada dhaqaalaha ka faallooda ee Soomaalida waxay ku doodayaan arrin caqli gal ah oo muujineysa in Soomaalida ay halis uga iman karto ku biirista ururka, maxaa yeelay daraasadihii ugu dambeeyay ee laga sameeyay waxa uu dalkeenu dibadda u iib geeyo waa cadad aad u yar maadaama dalku uusan lahayn warshado.
Sannadkii markey ugu badan tahay Soomaalidu waxay dibadda u dhoofiyaan badeeco ku fadhisa 1.3 bilyan oo doolar, badalkeedana waxaa dibadda nooga timaada badeeco ku fadhisa 6 bilyan oo doolar.
Arrintan waxay sahli doontaa in 7da dal ee kale ee ururka ay Soomaaliya kusoo qufaan wixii qashin ah ee yaalla dalalkooda sida madaxa Ariga oo ay dhawaan billaabeen iney keenaan, waxaana ay ciriirin doonaan ganacsiga Soomaalida oo hoos usii dhacayay sannadihii dambe markii ay culeys kala kulmeen Turkiga.