HomeAll newsCaqabad Xooggan Oo Itoobiya Kasoo Wajahday Afti Ay Ka Qaadi Lahayd Laba...

Caqabad Xooggan Oo Itoobiya Kasoo Wajahday Afti Ay Ka Qaadi Lahayd Laba Gobol.

Gobolada Walqeyt iyo Raaya ee dalka Itoobiya waxaa ka isku heysta qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigrega xilli xukuumadda Abiy ay dooneyso in ay afti ka qaado goboladaas.

Hadda waxaa labada gobol heysta Amxaarada kadib markii ay laba sano ka hor dagaal uga qabsadeen TPLF.

Tigre waxay ku doodayaan in goboladan aanan afti laga qaadi karin illaa gacan ku hayntooda loo soo celiyo, halka Amxaaradu iyaguna sheegayaan in markii horaba dhulkan ay iyaga lahaayeen.

Afhayeenka Fadareeshanka Itoobiya oo ah nin Amxaar ah, horeyna usoo noqday madaxweynaha maamulgoboleedka Amxaarada ayaa sheegay in ay ku adkaatay xallinta arrintan iyo sidii afti looga qaadi lahaa labada gobol.

Ninkan oo lagu magacaabo Tashaagar oo hadda matalaya dowladda dhexe ayaa xilligii goboladan laga qabsanayay Tigre jeediyay hadal digasho ah oo uu ku sheegay iney xaqooda dib usoo hanteen.

Tigre ayaa ninkan mar walba maqashiinaya codkiisii hore waxayna u sheegayaan in aaney ku kalsoonaan karin, hase ahaatee Tashaagar qudhiisa ayaa ugu baaqay Abiy in labada qowmiyadood la heshiisiiyo.

TPLF waxay ku goodiyeen in aysan aqoonsan doonin afti walba oo ay dowladdu ka qaado Raaya iyo Walqeyta sidoo kalana wixii ka yimaada arrintaas ay mas’uuliyadooda qaadi doonto dowladda.

Siyaasiyiinta Itoobiyaanka waxay soo sheegayaan haddii ay xaaladdu sidan sii ahaato in uu dhici karo dagaal u dhaxeeya Amxaarada iyo Tigre oo uu nacayb daran ka dhaxeeyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular