HomeAll newsALSHABAAB OO XALAY WEERARO KALA DUWAN FULISAY

ALSHABAAB OO XALAY WEERARO KALA DUWAN FULISAY

Ciidamada Mujaahidiintu waxey xalay Qarax la beegsadeen Ciidamada Dowladda Federaalka ah ah oo ku sugnaa Tabeelaha Sheekh Ibraahiim ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Geesta kale Ciidamada Mujaahidiintu waxay qarax la beegsadeen isla Ciidamada Dowladda Federaalka ah qaarkood oo ku socdaalayay gudaha Degmada Afgooye.

Ugu yaraan hal askeri oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka ah ayaa la xaqiiyay in dhintay mid kalena uu dhaawac yahay.

Isla Shabeelada hoose waxey ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiintu xalay Dagaal culus ku qaadeen xeryaha Ciidamada Shisheeye ee Jannaale iyo Deegaanada Laanta Buuro iyo Numbar60.

Sidoo kale Cidamada Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay xalay dagaallo culus ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Dowladda Federaalka ah Magaalada Marka.

Dhinaca kale Xad Beenaadka Kenya iyo Soomaaliya. Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaal culus ku qaadeen Xerada Ciidanka Kenya ee duleedka deegaanka Kaambooni.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular