Iyadoo maalinkii afaraad ay Falastiin ka soconayaan hawlgallada duufaanta Al-aqsaa ee lagu baacsanayo Yahuuda doolka ku timid ayaa waxaa dhanka kale socda duqeymo wuxuushnimo ah oo ay Yahuuda iyo xulufadooda reergalbeedku u geysanayaan Muslimiinta.
Duqeymaha oo si ula kac ah loola beegsanayo maatida Qaza ayaa waxaa ku naf waayay boqollaal Muslimiin ah oo u badan caruur iyo haween.
Ciidanka Yahuuda ayaa caalamka ku hor fadeexoobay markii jilbaha dhulka loogu dhuftay islamarkaana khasaare badan la gaarsiiyay, waxaana guulaha reer Falastiin kamid ah in ay maxaabiis ahaan gacanta ugu hayaan Yahuud badan.
Afhayeenka Cizudiin Al-qassaam oo lagu magacaabo Abuu Cubeyda ayaa jeediyay kalimad muuqaal ah oo uu kaga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay, wuxuu sheegay in Yahuudu ku dhaqmeyso akhlaaq darro dhanka dagaalka ah islamarkaana gumaadeyso maatada Muslimiinta kadib markii ay furimaha ku jabeen.
Wuxuu sheegay haddii ay Yahuudu sii wadaan beegsiga Muslimiinta iney leyn doonaan maxaabiista Yahuuda ah ee ay gacanta ku hayaan.
Muqaawamada Falastiin ayaa aad u ilaalinaya akhlaaqda suuban ee dagaalka Muslimiinta, sida laga arki karo muuqaal lasoo dhigay Internetka, ciidamo ka tirsan Cizudiin ayaa guri ugu galaya haween iyo caruur Yahuud ah waxayna u sheegayaan in diinta islaamka ay fartay inaan la dilin caruurta iyo haweenka gaalada.