HomeAll newsWarsaxaafadeed: Al-Shabaab oo Jawaab Culus Ka Bixiyay Warkii Abiy Ee Dekeda Seylac.

Warsaxaafadeed: Al-Shabaab oo Jawaab Culus Ka Bixiyay Warkii Abiy Ee Dekeda Seylac.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa jawaab ka bixisay war dhawaan kasoo baxay ra’iisulwasaaraha xukuumadda Itoobiya Abiy Axmad kaasoo ahaa inuu quudareynayo la wareegidda dakadda Seylac ee dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ku qoran luqadaha Soomaaliga iyo Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in madaxdii soo martay Itoobiya ay muddooyin badan iska soo dhaxlayeen haddana uu Abiy rabo inuu soo cusbooneysiiyo si uu dhaqaale ugu abuuro dadka kiristanka ah ee dalkaas.

Xarakadu waxay dadka Muslimiinta ah gaar ahaan Soomaalida ugu baaqday iney naf iyo maal ku bixiyaan sidii ay dhulkooda uga difaacan lahaayeen Xabashida, taasoo horey dhul inooga heysatay.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si cad oo aan gabbasho lahayn ku diideyso xadgudub walba oo ummadda Muslimiinta ah ay lasoo aado Xabashida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular