Waxaa maalintii 3-aad oo xiriir ah galay howlgalka loogu magac daray Duufaanta Al-Aqsaa ee ay kooxaha muqaawamada Filastiiniyiinta ka wadaa dhulka uu xoogga ku heysyo maamulka Yahuudda.
Howlgalka ayaa ku fiday degaannada Daanta-Galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Sahaayinada, waxaana lasoo sheegayaa in goobo hor leh ay iqtixaameen kooxaha muqaawamada.
Daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa waxaa isa soo taraya khasaaraha nafeed ee Yahuudda ku gaaray howlgalkaan culus ee maalintii 3-aad sida xiriirka ah uga socda dhulka Filastiin ee ku hoos jira gumeysiga Yahuudda.
Tirakoobyadii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in tirada dhimashada Yahuudda ay gaartay 700 oo Yahuud ah, dhawacuna uu marayo in ka badan 2150 ruux, 260 kamid ah Yahuudda dhimatay waxaa lagu dilay hal goob oo ay xaflad ka dhaceysay taas oo muujineysa in xasuuq wadareed lagala dul dhacay dadka Yahuudda ah.