HomeAll newsTafaasiil Dheeraad ah oo Laga Helayo Dhulgariir Horleh oo ku Dhiftay Galbeedka...

Tafaasiil Dheeraad ah oo Laga Helayo Dhulgariir Horleh oo ku Dhiftay Galbeedka Afghanistan.

Dhul-gariirkaan oo cabbirkiisu ahaa 6.5 ayaa lasoo warinayaa inuu si gaar ah ugu dhiftay galbeedka dalka Afghanistan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhawac.

Ugu yaraan hal ruux ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay dhul-gariirkaan ku dhiftay dalka Afghanistan, halka ay ku dhaawacmeen 35 kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xarunta dabagalka dhulgariirrada ee fadhigeedu yahay Yurub ayaa war ay soo saartay waxa ay ku sheegtay, in dhul gariirkaan cusub ee laga soo calaamadeeyay dalka Afghanistan uu saameeyay 10 KM.

Sidoo kale machad isana ka faallooda arrimaha dhul gariirrada oo ku yaalla dalka Mareykanka ayaa sheegay, in dhul gariirka ku dhiftay galbeedka Afghanistan kadib ay sidoo kale tiro dhul gariiro ah ku dhifteen goballada dhaca woqooyiga dalkaas, kuwaas oo cabbirkoodu ahaa 5.5 darajo, waxaana u dhexeysay labadooda qadar dhan 20 daqiiqo.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii dhul gariir xooggan oo ku dhiftay galbeedka dalka Afghanistan uu sababay geerida in ka baadan 2000 oo ruux iyo dhaawaca tiro intaa ka badan, kaas oo ahaa dhul gariirkii ugu xoogganaa ee dalkaan laga diiwaan galiyo muddo hadda laga joogi 25 sano.

Sannadkii lasoo dhaafay ee 2022 ayay sidoo kale aheyd, markii dhul gariir cabbirkiisu ahaaa 5.9 darajo uu ku dhiftay gobalka Baktika ee dhaca Koonfur bari ee dalka Afghanistaan, halkaas oo ay ku naf waayeen in ka baadan 1000 ruux, kuna barakaceen tobannaan kun oo kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular