Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa duqeymo bahalnimo ah ka geystay habeenkii xalay magaalada Bu’aale ee wilaayada Jubbooyinka.
Diyaaradaha ayaa beegsaday xarumaha danta guud iyo guryo shacab ah. Duqeyntan kama dhalan khasaare nafeed balse waxay sababeen burbur hantiyeed.
Meelaha ay burburiyeen waxaa kamida h madraso caruurta diinta lagu baro, guryo shacab iyo geerash uu magaalada ku leeyahay ganacsade caan ah, waxaana ku burburay 9 gaari kuwaasoo qaarkood safar u ahaa Kismaayo.
Duqeynta Bu’aale ayaa kusoo aaday iyadoo isla xalay ay Kenyaanku duqeeyeen magaalada Ceelcadde ee wilaayada Gedo.
HOOS KA DAAWO DUQEYNBA BU’AALE IYO BURBURKA