Labaatan ka mid ah Maleeshyaat uu ababushay Xidlhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlmaaanka Federaalka ah ayaa ku Naf waayay Qarax lagula beegsaday Gobalka Shabeelaha hoose.
Qaraxa oo Xalay Makhribki dhacay waxaa Mas’uuliyadiisa sheegatay Xarakada Shabababul Mujaahidiin oo Dagaal kula jirta Maamulada iyo kooxaha la shaqeeya Shisheeyaha Dalka ku soo duulay.
Qaraxa ayaa Maleeshiyaadkaan waxaa lagula beegsaay Degaanka Yaaq biri weyne ee Gobalka Shabeelaha hoose.
intii ka bad baaday qaraxa waxaa ku dhacay jaha wareer waxaana loo badaniyaa in dhaacyo ay jiraan.
goor dambe ayaa goobta laga qaaday Meydadka oo qaarkood ay go’ go’een Maadaam Qaraxu ahaa mid Xoogan.
Daahir Amiin Jeesow waxa uu aamin jeesow waxa uu gashan yahay Jaakadda lagu sheekeeyo in ay xabadha celiso taasoo miisaankeeda lagu qiyaaso kontomeeyo kiilow ayna koofi culus u wehliso laakiinse Ciidamada shisheeye oo Jaakadaan kuwo la mid ah gashan ayaa marar badan rasas ka soo gudubtayu dishay qaraxna warkiiba daa.
Muuqaal dhawaan laga soo duubay asigoo Maleeshaad ugu khudbaynaya yaaq biri weyn ayaa la arkay Daahir oo jaakadda oo uu culeyskeeda xamali la yahay gashan cabsi uu ka qabo Xarakada shababaul Mujaahidiin darteed,
waxa uu aaminsan yahay in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Meel looga bad baadayo aanay jirin sababtoo ah waxa uu yiri ” Shabaab Dadkaan ayay ku wada jiraan hadda waa i dhegeysanayaan halkaan ayaa qarkood taagan yahay”.