Ciidamo isugu jira boolis iyo sirdoon ka tirsan DF ayaa maanta xabsiga u taxaabay nin la dhashay wasiirka Awqaafta Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur).
Muxudiin Roobow Cali oo qudhiisa ka tirsanaa wasaaradda islamarkaana ku jiray guddiguu xajka ee lagu eedeeyay musuqmaasuqa ayaa si lama filaan ah loo xiray.
Siyaasiyiinta qaar ayaa barahooda kusoo qoraya in aan Mukhtaar lagala tashan xarigga walaalkiis sidaa darteedna uu aad uga careysan yahay falka dhacay.
Mukhtaar wuxuu barqanimadii maanta la xariiray ra’iisulwasaaraha waxaana laga qaban waayay telefoonka, kadib wuxuu wacay CID oo ah halkii lala aaday walaalkiis Muxudiin, waxaana loo sheegay in baaritaano lagu sameynayo.
Xariggan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid siyaasadeed oo loogu dan leeyahay in lagu bahdilo Mukhtaar kadibna xilka looga qaado, maadaama danihii koobnaa ee laga lahaa laga gaaray.
Sidoo kale waxay ilo kale sheegayaan in Mukhtaar uu isku dayayo inuu ku lug lahaado doorashada maamulka Koofurgalbeed, si aysan taa u dhicinna waxaa muuqata in la saarayo cadaadis xooggan.