Waa suurogal in magaalooyinka waaweyn caalamka gaar ahaan kuwa dadka badan aaney ka maaarmeynin in tareennadu maraan dhulka hoostiisa, si looga fogaado ciriiriga wadooyinka iyo zaxmadda, laakiin marka laga hadlo Jiidda Qazza xaalku sidaasi wuu ka duwanyahay.
Masaaxo yar oo aad u kooban ayaa waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 2.2 milyan oo ruux, taaso hareeraha ay ka go’doomiyeen Yahuudda, keliyana leh hal marin oo ku xira Masar, kaasoo isaga laftiisa inta badan xiran.
Jiidda Qazza, si lamid ah magaalooyinka waweyn, waxay leedahay godad dhulka hoostiisa ka qodan, laakiin kalama simana caalamka hab isticmaalka, kuwani waa godad ay keeneen baahiyaha la xiriira duqeymaha Yahuudda, iyo qorshayaasha la xiriira iska caabintooda.
Markasta oo ay Yahuuddu duulaan kusoo qaadaan Qazza, waxaa soo baxa qiimaha ay godadkaasi leeyihiin, warbaahinta reer galbeedka ayaana hadal heynta godadkaas aad u badiya, marka ay Yahuuddu tilmaamaan in duullaan toos ah ku qaadayaan Qaza, kuwaasoo kun xisaabadood u dega waxay ka yeeli lahaayeen godadkan ay warbaahinta reer galbeedku ugu yeeraan Metro Qazza.
Duullaanka iyo duqeymaha ay Yahuuddu hada ka wadaan Qazza lama mid ahan duullaannadii ay horey ugu soo qaadeen Jiidda Qaza, madaxda Yahuudda ayaana u muuqda kuwa cadaadis xoogan xoogan la nool, oo doonaya iney aargutaan, wixii ka dambeeyay markii aroornimadii 7 Octobar ay kooxaha Muqaamawadu ku kediyeen Yahuuddu weerar lama filaan ah, oo aaney xitaa marnaba suureysan, horeyna aaney ula kulmin tan iyo markii Yahuuddu maamulkooda dhul boobka ah ka dhisteen dhulka Filastiin sanadkii 1948-dii.
Halkan ka dhagayso warbixin shabakadda godadka ee Qaza,