HomeAll newsKudhawaad 30 Askari oo DF Looga Dilay Mudug.

Kudhawaad 30 Askari oo DF Looga Dilay Mudug.

Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay degaanka Gaadaay oo u dhow magaalada Wisil ee wilaayada Mudug kaasoo dhex maray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo askar ka tirsan DF.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud ayaa waxaa lagu jabiyay askarta DF sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay.

Ugu yaraan waxaa DF dagaalka looga dilay 27 askari oo ay ku jiraan saraakiishii dagaalka hogaamineysay, waxaana xusid mudan iney goobta uga carareen 7 kamid ah meydadka ciidankooda.

Gaari Cabdi-bile ah oo sida dhaawacyo iyo meydad ayaa gaaray magaalada Wisil ee gobolka Mudug. Sidoo kale ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa qarax la beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo marayay duleedka Wisil.

Dhawaan ayay ahayd markii uu kanaalka wararka ee Al-kata’ib baahiyay muuqaalka dagaal dhawaan ka dhacay isla degaanka maanta lagu dagaalamay ee Gaadaay, kaasoo laga dheehanayay firxadka ciidanka DF iyo tobaneeyo meydad ah oo ay ka carareen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular