Kadib markii ay aad u kordheer weerarada ciidamada Kenya loogu geysanayo Lamu, dowladdana ay garab ka weysay muslimiinta ku dhaqan dhulkaas gumeysiga ku hoos jiray, waxay xukuumadda Nairobi billowday olole ay ku cabsi gelineyso dadka ducaada ah.
Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas oo lagu magacaabo Kithure Kindiki ayaa sheegay in todobaadkan gudihiisa ay shaacin doonaan magacyada shaqsiyaad loo aqoonsanayo waxa uu ugu yeeray “argagixisada”.
Sidoo kale wuxuu sheegay iney shaacin doonaan shaqsiyaad uu ku sheegay iney ka tirsan yihiin ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dagaalamaya Lamu isagoo walaac ka muujiyay khasaaraha joogtada ay ee ay Kenyaanka aan Muslimka ahayn la kulmayaan.
Wuxuu aad uga xumaaday mabda’a diineed ee uu xambaarsan yahay dagaalka lagula jiro, wuxuuna yiri “waxay noo adeegsanayaan diin iyo tabashooyin taariikhi ah si ay ugu banneystaan dhiigga dadkeena”
Isagoo handadaya ducaada Lamu ayaa waxa uu dalbaday qof kasta oo la sheego magaciisa inuu tago saldhigga booliska ee ugu dhow.
Kindiiki ayaa muujiyay in aan la dhayalsan karin dagaalada ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uga jirto gudaha Kenya.
Ciidanka Kenya ayaa muddo dheer gumeysanayay muslimiinta xeebaha iyo kuwa somaalida ee NFD.