HomeAll newsJihaadiyiinta oo Xalay Weeraro Ka Fuliyay Gedo & Sh/hoose.

Jihaadiyiinta oo Xalay Weeraro Ka Fuliyay Gedo & Sh/hoose.

Ciidamada milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weeraro ku qaaday fariisimayaal ay askarta DF iyo kuwa shisheeye ku kala leeyihiin wilaayaatka Gedo iyo Shabeelaha Hoose.

Weerarka koowaad waxaa fuliyay ciidanka wilaayada islaamiga ah ee Gedo kaasoo ay beegsadeen askar taabacsan DF oo ku sugan xero Baraxow oo ku taalla degmada Baardheere.

Sidoo kale waxay isla ciidanka wilaayada Gedo xalay weerareen askarta DF taabacsan ee deggan degmada Luuq gaar ahaan xerada koowaad.

Dagaaladan ayaa muddo ku dhawaad saacad socday iyadoo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dhanka gobolka Shabeelaha Hoose, ciidanka milatariga wilaayada ayaa xalay weerar ku qaaday laba fariisin oo ay leeyihiin ciidanka shisheeye iyo kuwa DF.

Waxay weerareen fariisimayaasha ciidamada shisheeye ee degnaaka Nambar 60, iyo fariisinka askarta DF ee degmada Jannaale. Inkastoo aanan wali tafaasiil ka helin khasaaraha gaaray ciidamada shisheeye, haddana waxaan xog ku heleynaa in 4 askari ay DF kaga dhaawacantay degmada Jannaale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular