HomeAll newsIsias Afewerki & Xasan Sheekh oo Ku Kala Duwan Dib Usoo Celinta...

Isias Afewerki & Xasan Sheekh oo Ku Kala Duwan Dib Usoo Celinta Ciidanka Waashay.

Madaxweynaha DF ayaa todobaadkan gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea si uu dib ugu soo celiyo ciidamo baaqi ku ahaa wadankaas oo arrimo dhaqaale dartood loo soo qaadi waayay kol hore.

Sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan DF iyo ilo xog ogaal ah, labada madaxweyne ayaa xalay ka munaaqashooday qaadista ciidamo ku waashay tababarka iyo kuwa ku naafoobay oo tiradooda lagu sheegay 500 (shan-boqol).

Inkastoo ay shuruud dhaqaale wali ku xiran tahay in uu Xasan lasoo gadoomo askartaas haddana waxa uu culeys badan ka yimid arrinta la xariirta in ciidanka waashay lagu soo celiyo Soomaaliya.

Madaxweynaha waayeelka ah ee xukuumadda Muqdisho ayaa dhiggiisa Asmara ka codsaday in uu sii xanaaneeyo askarta dhimirka beeshay iyo kuwa tababarka ku naafoobay.

Xasan ayaa codsigiisan qiil uga dhigay in uu dagaal ku jiro islamarkaana ay dhici karto inuu la kulmo culeys iyo kacdoomo haddii uu wadankii ku celiyo 5 boqol oo askari oo naafo ah, kuwaasoo 5 sano ka hor laga qaaday magaalada Muqdisho.

Laakin Afewerki ayaa arrintan ka biyo diiday sida aan xogta ku heleyno, waxaana Xasan Sheekh la hor dhigay laba arrin oo kala ah, inuu qaado askarta dhibbanayaasha ah ama uu bixiyo dhaqaalihii lagu maareyn lahaa noloshooda iyo nolosha dadka shaqadooda qaabilsan.

Lama oga illaa iyo hadda go’aanka uu Xasan Sheekh ka qaatay labadan shuruud, walow la ogyahay in DF ay la daalaa-dhacayso dhaqaala darri baahsan.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa in loo oggolaaday baaqiga ciidamada kale ee dalkaas lagu hayo kuwaasoo la barayay dabaasha iyo tabaha ciidanka cirka, waxaana uu doonayaa inuu kala geeyo Baydhabo iyo Kismaayo.

Madaxda DF ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay warbaahinta lasoo joogsaday hadallo quus ah oo ay ku muujinayaan ineysan dagaalka sii wadi karin haddaaney shisheeyaha ka helin kaalmo, waana tii ay codsadeen in la hakiyo bixitaanka wajiga labaad ee Atmis, arrimahan ayaa imaanaya iyadoo ciidamo boqollaal ah DF looga dilay dagaalkii Ceel-la-helay, Cowsweyne iyo Gaaddaay oo Wisil u dhow.

Xasan Sheekh ayaa hilfihiisa kasoo qaatay magaalada Dhuusomareeb isagoo dib ugu soo laabtay madaxtooyada Muqdisho, waxaana uu ku hungoobay ballan-qaadkiisii ahaa inuu muddo bilooyin ah uga adkaanayo Xarakada Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular