Weerarkii ugu cuslaa ee dhawaanahan ayay kooxaha Muqaawamada Filastiin ka fuliyeen deegaannada kaabiga ku haya Qazza ee xooga ku deganyihiin Yahuudda. Waxaa lasoo warinayaa in khasaare baaxad leh la gaarsiiyay Yahuudda, iyadoo ay jiraan maxaabiis nolosha lagu soo qabtay.
Kooxaha Muqaawmada waxay xoog ku galeen deegaannada xooga lagu dejiyay Yahuudda ee dhaca xeyndaabka Qazza, waxayna dileen dad Yahuud ah, halka ay soo furteen gawaari dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Yahuudda.
Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay Kooxaha Muqaawamada ay la wareegeen gawaaridii ciidamada booliiska iyo kuwa ilaalada xuduudaha ee mandiqadda Sadiiroot.
Ciidamada Yahuudda ayaa xirey inta badan wadooyinka magaalada Al-Qudus, cabsi la xiriirta iney dhacaan weeraro horleh, waxaana wadooyinka dhooban askar dadka baareysa.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinaya, maxaabiis dagaal oo laga soo qabtay Yahuudda, iyo askar iyagoo nool laga soo saaro Taangiyadii ay ku jireen.
“Waxaan go’aansannay inaan xad u yeelno xadgudubyada Yahuudda, cid kasta oo qori heli kartana haka soo qeybgasho dagaalka”, ayuu yiri Hogaamiyaha Cizzu-diin Al-Qasaam, Muxamad Ad-Deyf.
Saacado kadib waxaa lagu wadaa in kulan deg-deg ah isugu yimaadaan golaha wasiirada ee xukuumadda Yahuudda, si looga tashado weerarka aan horey loo arag ee ay Yahuuddu wajahayaan.
Madaxa maktabka SIyaadadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa yiri “Waxaan ku jirnaa dagaal aan ku difaaceyno sharaka iyo karaamada masjidul Aqsaa, howlgalka uu ku dhawaaqay walaalkeen Abuu Khaalidna waa duaan ka billowday Qazza, balse gaari doona dhulka gumeysiga ku jira ee Filastiin”
Nin Yahuudi ah oo uu wareystay Telefeshinka 12aad ee Yahuudda ayaa isagoo ooynaya wuxuu yiri ” albaabka waxaa ii taagan dagaalyahanno hubeysan oo raba iney i dilaan”.
Yahuudda ayaa qirtay in ugu yaraan 35 maxbuus oo Yahuud ah ay gacanta ku dhigtay dagaalyahannada Cizzudiin Al-Qassaam.