HomeAll newsFaah faahin dagaalki mudug Magacyada Saraakiil la dilay iyo Gawaari lala wareegay.

Faah faahin dagaalki mudug Magacyada Saraakiil la dilay iyo Gawaari lala wareegay.

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Dagaal Maanta Dhowr Mar ka dhacay Degaanka Gaadaay ee Gobalka mudug kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Saf ah iyo kuwa Dowladda Federaalka ah iyo Glamudug oo Safka kael ka soo jeeda.

Dagaalkaan oo lagu dilay 27 isugu jirta Saraakiil iyo Askar ka tirsanaa DF iyo Galmduug tira intaa ka badana lagu dhaawacay ayaa iminka waxaa la helay Magacyada qaarka mid ah Saraakiisha maanta ku qur baxay.

Saraakiishaas waxaa ka mid ah

1- Kornayl Calinaasir Cabdi Faarax oo ahaa TaliyahaCiidanka  Xasilinta Galmudug, sidoo kalana ahaa Sarkaalkii watay Ciidanka Maanta lagu jabiyey Dagaaladii ka dhacay Deegaanka Gaadaay.

2- Maxamad Shuuke oo ahaa Guddoomiyaha Deegaanka Bajeelle ee Gobalka Mudug.

3- Cabdiqani Afyare oo ahaa Xoghayihii Magaalada Maamulka Gaalkacayo qaybta Galmudug.

4- Cusmaan Cabdi Qoreey oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada

intii Dagaalada socdeen Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaaa u suura gashay in ay la wareegaan Afar Baabuur oo nooca Dagaalka loo adeegsado ah sida aan xogta ku helnay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular