HomeAll newsDiyaaradaha Dagaalka Ee Dowladda Kenya ayaa Duqeeyay Bu'aale & Ceelcadde.

Diyaaradaha Dagaalka Ee Dowladda Kenya ayaa Duqeeyay Bu’aale & Ceelcadde.

Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa habeenkii xalay duqeymo ka geystay magaalooyinka Bu’aale iyo Ceelcadde oo ka kala tirsan wilaayaatka Jubbooyinka iyo Gedo.

Duqenta Bu’aale ayaa dhacday xalay sagaalkii fiidnimo iyadoo 4 gantaal ay ku kala dhaceen goobo dan guud ah oo kala ah dugsiga Qur’aanka kariimka ee Daarul-huddaa, garaash uu leeyahay ganacsade caan ka ah magaalada iyo guri ay daganaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Ma jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac, balse waxay duqeymuhu geysteen burbur hantiyeed sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadweynaha.

Halkan Ka Degso Gobjoogayaal Ku Sugan Bu’aale

Sidoo kale waxay diyaaradaha Kenya isla xalay duqeeyeen degaanka Ceelcadde ee wilaayada Gedo abaaro todobadii saax ee xilligii saqbarkii.

Dadka magaalada waxay sheegeen in lagu duqeeyay 3 gantaal illaa hadda lama soo sheegin khasaare nafeed balse waxaa jira burbur hantiyeed.

Kenya oo ay diyaaradahan siiyeen dowladaha reergalbeedka ayaa u muuqata mid duqeymaha ku tijaabineysa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular