Waaliga Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Koba ku tukade ayaa ka hadlay Damacii Fashilmay ee Madaxweynaha Dowladda Federalaka ah kaasoo laba Bilood ka badan uu Dhuuso Marreeb u joogay duulaanka dhan ahaa Wilaayaadka Islaamiga laakiin aakhirkii fashilmay..
wuxuu sheegay in Xasan asigoo hungoobay uu mudd laba bilood ka badan kadib ku soo noqday Muqdisho isla markaana ay cuqubo ku dhacday oo uu Dhurwaa god ka soo baxay u ekaaday.
Wauxuu faah faahiyay Duualanadii lagu soo qaaday Wilaayaadka Islaamiga ah kuwaasoo uu sheegay in guushu ku raacday Xarakada Shababaul Mujaahidiin ee uu ka tirsan yahay waxaanuu sheegay in 25 Dagaal oo dhacay ay ku qaateen hubkii iyo Gaadiidkii Dowladda Federaalka ah.
Koba ku tukade ayaa Farriin u diray Ciidamada Cusub ee Xasan Gur guurte Eritrea ka keenay iyo Waalidiintoodaba waxaanuu sheegay in hadii ay Furumaha Dagaalka ay soo qaadaan ay mari doonaan tubtkii kuwii iyaga ka horeeyay mareen taa micnaheeduna waxaa weeye in uu ku goodinayo in ay laynayaan.