HomeAll newsDhegeyso Askar burundeys ah o Shabeelaha dhexe lagu dilay iyo Weeraro kale.

Dhegeyso Askar burundeys ah o Shabeelaha dhexe lagu dilay iyo Weeraro kale.

Dagaal yahanno katirsan xarakada Alshabaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday xarun ciidamada Burundi ku leeyihiin gobalka shabeellaha dhexe.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalka oo ka dhacay xarunta ciidamada Burundi ee deegaanka Qalimow gobalka shabeellaha dhexe.

inta la xaqiijiyay laba Askari oo katirsan ciidamada Burundi ayaa dagaalka ku dhintay 3 kalana wey ku dhaawacmeen.

Isla Shabeelada dhexe waxey ciidamada Alshabaab xalay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamadaBurundi ee degmada Balcad.

Dagaalkaasi waxaa ku dhaawacmay  1 askari oo ciidamada Burundi katirsan.

Dhanka kale Ciidamada Uganda ayaa Xalay lagu weeraray Buundada Degaanka Bariire ee Duleedka Afgooye oo ay Fariisin ku leeyihiin.

Geesta  kale Ciidamada Dowladda Fderaalka ah ah ayaa Xalay lagu weeraray Kuliyadda Jaalla Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Halkaan ka dhegeyso Wararkii u dambeeyay

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular