HomeAll newsDhageyso:Nabad doon Fartaag oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay duleedka Wisil.

Dhageyso:Nabad doon Fartaag oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay duleedka Wisil.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka islaamiga ah ee gobalka Banaadir Nabad doon maxamed Axmed Guuleed Fartaag oo wareysi siiyay warbaahinta Alfurqaan ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Wisil kaas oo lagu dilay 97 Askari oo katirsan ciidamada dowladda.

Nabad doon Maxamed Axmed Guuleed Fartaag  ayaa ugu horeyn ka hadlay sida uu u arko dagaalka oo sababay in jab xooggan uu soo gaaro dowladda federaalka.

“Dagaaladaan wey soo noqnoqdeen waxayna beesha Sacad mar waliba kala kulmeysaa khasaaro.waxaan kula talin lahaa inay dagaalka isaga baxaan“ayuu yiri Fartaag.

Nabad doon Fartaag ayaa fariin dhaxal gal ah ujeediyay beesha Sacad isagoo tilmaamay Xasan sheekh inuu wax kasoo waayay beesha uu kasoo jeedo haatana uu naf ka raadiyay in beele kale uu dagaalka galiyo.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Nabad doon Fartaag

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular