Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Islaamiga ah ee Shabeleha dhexe Macalin Muxamed Macalin Xasan ayaa sheegay in Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Dowadda Federaalku Macaash Siyaasadeed ka raadinayaan an Dagaal u dhaxeeya Beelaha walaalaha ah ee wada Dega Shabeelaha dhexe.
wuxuu Carrabka ku adkeeyay in Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ay Dagaalada ka qayb qaateen kuwaasoo gaadiidkoodi Tegnikada ahaa wata.
Wuxuu sheegay in Xasan Gurguurte uu Qandaraas Maraykanka uga so qaatay in Bulshada Soomaaliyeed uu ka dhigo kuwo uu aisgu ku duulo oo Barakiciyo iyo kuwo uu isku diro.