HomeAll newsDeg Deg Maraykanka oo Dad Shacab ah ku duqeeyay Shabeelaha hoose.

Deg Deg Maraykanka oo Dad Shacab ah ku duqeeyay Shabeelaha hoose.

Ciidamada Maraykanka oo  adeegsanaya  Diyaaradaha dagaalka ee  ayaa duqeysay gaari ay dad shacab ah saarnaayeen oo marayay meel u dhow degaanka Ugunji oo hoos taga Jannaale oo Shabeelaha hoose ka tirsan,

Gaariga ay duqeeyeen ayaa waxaa saarnaa nin Nabadoon ah oo kasoo jeeda Beesha reer Xaaji Saleemaan waxaana xog ku heleynaa in Nabadoonka iyo mid kamid ah dadkii la socday ay duqeynta ku nafwaayeen.

Nabadoonka uu Mareykanku duqeynta ku dilay caawa ayaa waxaa la oran jiray Maxamuud Xasan Kadiye (Biriq) wuxuu ahaa nin u Nabadoon u ah bulshada Saleemaan ee ku nool degmada Afgooye.

Eehelada Nabadoon Biriq oo dhankooda inoo xaqiijiyay dilkiisa ayaa sheegay in uu ahaa nin shacab ah oo isaga kala goosha gobolada dalka islamarkaana aad ugu dadaala arrimaha xallinta khilaafaadka.

Duqeyntan ayaa kusoo beegmeysa sannadguuradii 30-aad ee kasoo wareegatay dagaalkii Mareykanka lagu jabiyay ee ka dhacay Muqdisho sannadkii 1993 kii.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular