Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Saaka Weerar Cagmarin ah kula jermaaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo Fariisin ku lahaa Degaanka Baruujeed oo ku yaalla inta u dhexeysa Magaalooyinka Guriceel iyo CeelBuur.
Dagaalka ayaa isku mar ka bilowday laba Xero oo Ciidanku deganaayeen mudda kooban kadibna waxaa durba la jebiyay Askarta Dowladda Federaalka ah.
Qoraal kooban oo Warbaahinta loogu tala galay ayay Xarakada Shababul Mujaahidiin ku tiri:-
“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dagaal kula wareegay 2 saldhig oo ay Maleeshiyaada Murtadiinta ah ku lahaayeen Deegaanka Barujeed ee Duleedka Degmada Guraceel ee Wilaayada Galguduud kadib weerar cagmarin ah oo ay Saakay lagu qaaday Murtadiinta. Dhamaan labadii Saldhig ee Cadawga iyo guud ahaan Deegaanka Barujeed Mujaahidiinta ayaa xilligaan Gacanta ku haya”.
askar badan oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka ah ayaa Dagaalka lagu dilay kuwaasoo Meydadkoodu u gacan Galeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaana qoraalka lagu yirii:-
“Maydad fara badan ayay Murtadiintu uga carareen Saldhigyada Deegaanka Barujeed ee Duleedka Guraceel. Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxay Gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid ciidan”.
Halkaan ka dhegeyso Xogta Weerarka Cagmarinta ah