HomeAll newsDeg Deg Camaliyad Nafhurnimo oo ka dhacday Muqdisho, yaa lala beegsaday?

Deg Deg Camaliyad Nafhurnimo oo ka dhacday Muqdisho, yaa lala beegsaday?

Qarax uu fuliyay Naftii hure ka tirsanaa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Caawo ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Boondheere kaasoo lala beegsaday Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ah.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxa waxaanay tilmaantay in ay la beegsatay goob isu imaatin ah oo ay dhoobnaayeen Saraakiil Sirdoonka Dowladda Federaalka ka tirsan.

waxay intaa ku dartay in goobta uu khasaare  balaaran ka dhashay welow aanay faah faahin ka bixin tirada dhimashada iyo tan dhaawaca intaba.

dhawaqa qaraxa ayaa si weyn looga maqlay gudaha Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaana heegankii ay ku jireen sii laba jibaaray Ciidamada Dowladda Federaalka  ah oo awlaba keeb la yuurur ahaa.

goobta Qaraxu ka dhacay sidaas ugama foga Madaxtooyada Muqdisho waxaana u dhaw mid ka mid ah Koontaroolada Madaxtooyada laga ilaaliyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular