HomeAll newsDaawo Sawiro Qaraxa Ceelasha biyaha ka dhacay.

Daawo Sawiro Qaraxa Ceelasha biyaha ka dhacay.

Sawiro lagu soo qaaday Goob saaka uu ka dhacay Qarax  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin la Beegsatay Ciidamada Dowladda Federaalka ah ayaa Muujinaya Baaxadda qaraxa oo ahaa mid aad u weyn iyo in waxyeelada ka dhalatay tahay Mid Balaaran.

inkastoo sida Muuqadda Mudda kadib Sawirada la qaaday hadana waxaa weli goobta yaala Meydadka qaar ka mid ah Ciidamadii Bartilmaameedka ahaa. kuwaasoo midkood gidaar dumay Barkii ka haray dushaiisa ka soo laalaado,

waxaa sidoo kale la arkayaa Meydad kale oo dhulka daadsan iyo askar anfariirsan oo kor taagan.

Qaraxa oo ahaa mid Nafhurnimo waxaa Mas’uuliyadiisa sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaanay si horu dhac ah u shaacisay in ay dishay 49 askeri oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka ah gaar ahaan kuwa Imaaraadku tababarkood iyo Mushaarkooda ku lug leeyahay ee loo yaqaan Boolis_maliteri

Gurmad ayaa mar dambe ka yimid Magaalada Muqdisho waxaana isbitaalada loo qaaday askar dhaawacyo halis ah gaareen.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular