Golaha odayaasha dhaqanka wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku diriraya degmada Cadalle.
Odayaasha oo kala ah Nabadoon Cabdullaahi Cali Caraay, Nabadoon Sheekh Cali Biyow, Nabadoon Macallin Muxumad Macallin Xasan iyo Nabadoon Mukhtaar Dhuubow ayaa beelaha ugu baaqay iney si shuruud la’aan ah ku joojiyaan colaada dhexdooda ah.
Waxay muujiyeen dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin colaadahaas oo ay ku tilmaameen kuwo dano siyaasadeed laga leeyahay oo ay hurinayaan mas’uuliyiin ka tirsan DF.