Xubnaha golaha wakiilada ee dalka Maraykanka ayaa codeyn ay sameeyeen waxay xil ka qaadis ku sameeyeen gudoomiyihii Congreska oo lagu magacabo Kevin McCarthy.
Ninkan xilka laga qaaday oo kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa waxaa xil ka qaadistiisa taageeray 216 qof, halka ay diideen xil ka qaadistiisa 210 xubnood.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa mar uu ka hadlayay isbedelka ku yimid Congreska Maraykanka, wuxuu tilmaamay in maamulkiisu si wanaagsan ula shaqeyn doono labada xisbi ee Jamhuuriga iyo DImuqradiga ee Congreska Maraykanka.
Waa markii ugu horeysa taariikhda Congreska Maraykanka oo ay xubnihiisa gudoomiyahooda xil ka qaadis ku sameeyaan, xisbiga Jamhuuriga ayaana hadda baadi goobaya shakhsi u bedeli kara booska uu ka baxay gudoomiyihii hore ee golaha wakiillada.