HomeAll newsCabdi Ismaaciil Samatar oo Soomaalida Ugu Baaqay Iney Ka Falceliyaan Warka Abiy...

Cabdi Ismaaciil Samatar oo Soomaalida Ugu Baaqay Iney Ka Falceliyaan Warka Abiy Axmad.

Siyaasiga caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay warkii kasoo baxay ra’iisulwasaaraha Itoobiya ee ahaa inuu doonayo dakad iyo xeeb ay lahaadaan, kana go’an tahay iney ku qabsadaan xoog iyo xeelad, xilli uu waliba Abiy si gaar ah farta ugu fiiqay dakadda Seylac ee gobolada Waqooyi galbeed.

Samarta ayaa xusayin madaxda Itoobiya qarniyo badan soo kala dhaxleen damaca ah iney qabsadaan xeebaha Soomaaliya, maanata uu Abiy isku dayayo inuu wax ka hirgelo damacyadaas waalan kadib markii uu arkay in Kenya loo xukumay qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Isagoo warfidiyeen kula hadlayay Mareykanka ayaa waxa uu tilmaamay in madaxda DF iyo kuwa aamulgoboleedyada labaduba aaney ka hadal qadiyadan, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay waxa dhexdooda ah iney meel iska dhigaan una kacaan badbaadinta dhulka iyo xeebaha wadanka.

Waa markii sadaxaad oo uu Abiy Axmad ku goodinayo inuu qabsanayo qeybo kamid ah Soomaaliya, sadaxda goorna ma jiro masuul ka tirsan DF oo ka hadlay, cidda kaliya ee ka falcelisay waxay ahayd Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular