
Kulan ay yeelatay Beesha Gaa jecel qaybaheeda Dega Gobalada Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha hoose ayaa bayaan laga soo saaray lagu sheegay in Beeshu go’aansatay Difaacidda ku dhaqan Shareecada Islaamka.
Bayaanku wuxuu intaa ku daray in Beeshu Naf iyo maamulka la garab taagan tahay Xarakada Shababul Mujaahidiin oo Dagaal kula jirta Shisheeyaha Dalka ku soo duulay iyo dhinacyada la safka ah.
waxaa kale oo qoraalka lagu xusay baaq loo jeediyay xubnhaha Beesha ka dhashay ee ka tirsan Dowladda Federaalka ah iyo Maamulada ka farcama iyadoo loogu baaqay in ay ka baxaan waxaana bayaan lagu yiri “waa in aad Towba keentaan”
Beeshu waxay ka soo horjeesatay abaabulitaanka Mooryaanta Macawisleyda ee la bar bar dagaalameysa Shisheeyaha
aakhirkii kulanka waxaa goobta ka hadlay Ugaaska Guud ee Beesha Gaal jecel Ugaas Xuseen Ugaas Cabdullaahi Ugaas Muxamed ayaa sheegay in Bayaankooda ay ugu tala galeen in uu gaaro Dadka Muslimiinta ah asigoo xubnaha Beeshooda ee Dowladda Federaalka ka tirsan ugu baaqay in ay ka soo baxaan.
wuxuu sheegay in dadka Allaah caasiyay ay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan hadii aanay Towka keenin gaar ahaan kuwa ka dhashay Beeshooda Gaal jecel.
Halkaan ka dhegeyso Bayaanka Gaal Jecel iyo hadalka Ugaaska Beesha Gaal jecel