HomeAll newsAtmis oo Yahuuda La Safatay Kuna Baaqday In DF Loo Taageero Sida...

Atmis oo Yahuuda La Safatay Kuna Baaqday In DF Loo Taageero Sida Yahuuda.

Isbahaysiga ATMIS kolkii horana la oran jiray AMISOM duullaankana ku jooga Soomaaliya ayaa qabtay shirjaraid oo ay ku cadaynayaan mowqifkooda ku aaddan dagaalka udhaxeeya Yahuudda Sahyuuniyadda ah iyo muslimiinta Falasdiin.

Wakiilka midowga Afrika ee somaalia oo lagu magacaabo Suweef ayaa Yahuuda ku tilmaamay dad laga gardaran yahay isagoo muslimiinta la xasuuqayo ee Falastiin ku asteeyay kuwa daalimiin ah wuxuuna tilmaamay in Yahuudu xaq u leeyihiin iney naftooda difaacaan.

Madaxa ATMIS oo ay ciidankoodu Soomaaliya ku joogaan duullaan loo huwiyay magac nabad ilaalineed ayaa DF ka dhigay in ku jirta dagaalka ay xaqa u yaqaanaan ee ay Yahuudu kula jirto Falastiin oo kale.

Sidaasi darteed waxay dowladaha reergalbeedka ku dhaliileen in ay ka gaabiyeen taageeridda duullaanka Soomaaliya gaar ahaan ciidamada Afrikaanka iyo DF.

Wakiilka midowga Afrika wuxuu isbabardhig ku sameeyay taageerada Yahuuda la siiyo iyo tan la siiyo shisheeyaha duullaanka ku jooga Soomaaliya, iyagoo si duur xul ah u sheegay in Soomaaliya uu ka socdo dagaal diineed oo lamid ah sida kan Yahuuda lagu difaacayo oo kale.

Haddii ciidamada shisheeye sheegi jireen iney nabad ilaalin u yimaadeen waxay maanta caddeeyeen iney u yimaadeen dagaal diineed, waxaana hadalkooda uu dhaawac weyn ku noqonayaa Bashiir Axmad Salaad iyo wadaadaha kale ee DF u fatwooda kuwaasoo marar badan iyagoo marin habaabinaya shacabka sheegay in aysan ciidamada shisheeye kiristaanimo u imaanin.
.
Dhinaca kale hogaamiyaha ciidanka ATMIS ayaa soo hadal qaaday habacsanaanta haysata ciidamada dowladda fadaraalka ee dagaalka kula jira milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Ururka ayaa Mareykanka ugu baaqay in DF la siiyo mid lamid ah taageerada ay siiyaan Yahuuda.

Hadalka codsiga ah waxay ku muujiyeen in dhulka Falastiin yahay dhul Yahuudeed waxayna yiraahdeen “Waxa ka dhacay Israa’iil ee udhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil islamarkiiba Mareykanka iyo reergalbeedka hub iyo taageero kale ayay siiyeen, hadda Soomaaliya culeys ayaa ka haysta dhanka hubka waa in cuna qabateynta laga qaadaa” ayuu yiri madaxa Atmis.

Isagoo hadalkiisa sii wata islamarkaana muujinaya in DF khatar geli doonto ayaa waxa uu xusay in bisha ugu dambeysa ee sannadkan 2023 ay dalka ka saari doonaan sadax kun oo askari oo bishii lasoo dhaafay bixi lahaa balse dib loogu dhigay codsi ka yimid xagga DF, mana muuqato buu yiri, diyaar garow uu arrintaas ka sameeyay Xasan Sheekh.

Dagaalka ka socda Falastiin ayaa bannaanka soo dhigay wajiyo badan oo dadka ka qarsoonaa, haddey ahaan lahaayeen shaqsiyaad, ururo iyo dowlado. Dowladaha ceebta ugu daran wajahaya waxaa kamid ah Imaaraatka Carabta oo iyadu heshiis buuxa kula jirta Yahuuda taasoo ay dadka carbeed qaar badan oo kamid ah ku tilmaamayaan iney tahay kabaha Yahuuda.

Imaaraatka Carabta ayaa hadda ciidamada u tababara DF, kharashaadka ugu badan ee duullaanka Soomaaliyana isaga ayaa bixiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular