HomeAll newsVideo: Al-Shabaab oo Gudoomiyihii Aadan Yabaal Muqdisho Ku Toogtay.

Video: Al-Shabaab oo Gudoomiyihii Aadan Yabaal Muqdisho Ku Toogtay.

Ciidamo si gaar ah u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta hawlgal ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho ku dilay gudoomiyihii hore ee degmada Aadan Yabaal ee DF.

Gudoomiyaha oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Sheekh Xasan ayaa Xasan Sheekh kusoo dhaweeyay Aadan Yabaal markii ay degmada qabsadeen ciidamada DF oo ay hawada ka taageerayeen diyaaradaha shisheeye sida kuwa Mareykanka.

Sida aan xogta ku helnay waxaa ninkan xilka laga qaaday mar aan sidaa usii fogeyn wuxuuna Muqdisho kula soo laabtay lacagihii qandaraaska ahaa ee uu dagaalka ku helay, hase ahaatee maanta ayaa la dilay sida ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

TV-ga DF ayaa laga sii daayay isagoo sheegaya in uu gubay calanka uu towxiidku dhaxda kaga qoran yahay sidoo kalana dhalleeceynaya Xarakada Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan halka uu dilku ka dhacay oo ah agagaarka miisaanka dhuxusha ee Towfiiq ayaa sheegay in dhowr xabbadood looga dhuftay madaxa iyo wajiga sidaana uu ku dhintay.

Dadka qaar ayaa sheegaya inuu watay bastoolad laakin lama hubo, waxaana goobta meydkiisa ka qaaday ciidamo ka tirsan kuwa DF.

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Ninkaan diinta waa ka jaahil, diintaan waxay kubilaabatay layaab iyo waxaan la aqoon ,
    maanta halkii bay taagantahay. Allah shabaabka mulimiinta ah, yaqaan suubanaha diitiisa, oo qabsaday xarigaa adag ayaa jaahilkan wuxuu yahay aan aqoon iyo wuxu u dagaalamayo kaqabtay umadda aadan yabaal dagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular