Ciidamo ka tirsan kuwa DF ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil gaari oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad.
Gaariga oo ahaa nooca dagaalka ayaa rogmaday xilli uu si xawli ah ku soconayay, waxaana ku dhintay 7 askari halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.
Ciidanka ku dhintay waxaa kamid ah sarkaal darajadiisu ahayd Kabtan oo lagu magacaabo jiray Cali Jeelle, sida uu inoo xaqiijiyeen maamulka degmada Balcad.
Gaariga rogmada ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu lahaa gudoomiyaha Balcad oo lagu magacaabo Qaasim Furdug.
Ciidamadii ku dhaawacmay shilka ayaa waxaa loo qaaday Muqdisho, halka kuwa dhintay la aasay wax yar kadib shilka.