HomeAll newsRuushka oo Duqeeyay Dekado ku Yaalla Ukraine, & Mareykanka oo Dabaabado ku...

Ruushka oo Duqeeyay Dekado ku Yaalla Ukraine, & Mareykanka oo Dabaabado ku Wareejiyay Xukuumadda Kiev.

Dowladda Ruushka ayaa maanta oo Talaado ah waxay weeraro xagga cirka ah ku qaaday dekadaha Ismaaciil iyo Kiinfri ee ku yaalla gobalka Dinebro dalka Ukraine, xilli xukuumadda Kiev ay shaaca ka qaaday, iney Mareykanka kala wareegtay gaadiid gaashaaman, ayna sii wado duqeymaha ay ka fulineyso Jaziiradda Al-Qiram iyo mandiqadaha kale ee ku yaalla gudaha Ruushka.

Taliska mellatariga ee gobalka Odisa ee dhaca koonfurta-galbeed ee dalka Ukraine ayaa shaaca ka qaaday, in aroornimadii hore ee maanta ay dowladda Ruushka ay duqeyn xagga cirka ah ka geystay dekadda Ismaaciil ee ku taalla wabiga Daanuub, taad oo geysatay waxyeello xooggan oo soo gaaray dekadda.

Madaxda Ukraine ayaa dhankooda sheegay, in qaraxyo waaweyn laga maqlay dekadda Kiinfri ee dalkaas, kaas oo la soo warinayo iney yihiin sawaariikh ay dowladda Ruushka ku gaaracay dekaddaas.

Mellatariga Ukraine waxa uu dhankiisa sheegay, iney ka hor tageen diyaarad Drone ah oo ay leedahay dowladda Ruushka, taas oo dooneysay iney howlgallo ka fuliso hareeraha magaalada Bakhmut ee ku taalla gobalka Donbas ee dalka Ukraine.

Waxa uu mellatarigu baahiyay, sawirro uu ku sheegay iney yihiin diyaaradda Dronesta ah ee ay leedahay dowladda Ruushka, taas oo uu xusay in lagu soo riday sawaariikhda loo yaqaanno Istiingar ee ay farsameyso dowladda Mareykanka.

Waxa ay intaas ku dareen, in 38 diyaaradood oo Drone ah ay dowladda Ruushka habeennadii lasoo dhaafay kusoo weerartay dalka Ukraine, kuwaas oo ay xuseen in 26 kamid ah diyaaradahaas ay soo rideen.

Dhankeeda wasaaradda difaaca ee dowladda Ruushka ayaa shaacisay, in lasoo diray diyaarado Drone ah oo ay leedahay xukuumadda Kiev, kuwaas oo ku sugnaa Mandiqadda Korsak, gudoomiyaha gobalka Bilgored ee dhanka Ruushka ayaana shaaciyay, in7 diyaaradood oo dariin ah lagu soo riday mandiqaddaas.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda difaaca ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in 7 diyaaradood oo Drone ah lagu soo riday Mandiqadda Bilgored, halka 3 kalena lagu soo riday Mandiqadda Korsak ee  uu Ruushku maamulo, mana shaacin waxyeellada ka dhalatay weeraradaan.

Inta badan dowladda Ruushka ayaa ka gaabsata oo aan ka hadlin weerarada khasaaraha nafeed ee ka dhasha duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha dowladda Ukraine, balse waxa ay xillyada qaar sheegtaa iney jiraan khasaare hantiyeed oo soo gaara dhisamayaasha goobaha caamka ah ee ay bulshadu leeyihiin, iyo kuwa aysan laheyn ciidanka mellatariga.

“Ciidankeenna difaaca hawada waxa ay ka hortageen weerar sawaariikh loo adeegsaday oo lagu soo qaaday garoonka mandiqad ku taalla Jaziiradda Al-Qiram”, ayuu yiri gudoomiyaha dowladda Ruushka ugu magacaaban magaalo ku taalla mandiqaddaas.

Dowladda Ukraine ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay waxay sii kordhisay weerada xagga cirka ah ee ay ku beegsaneyso xarumaha ay mellatariga Ruushka ku leeyihiin Jaziiradda Al-Qiram, iyadoona ku goodisay iney soo ceshan doonto gacan ku heynta jaziiraddaas, oo uu Ruushku sannadkii 2014-ka ka jaray Ukraine, kuna biiriyay dalkiisa.

Sidoo kale Mareykanka ayaa dabaabaad hor leh waxa uu ku wareejiyay dowladda Ukraine, si ay ugu kaashato dagaalka ay kula jiro Ruushka,

Madaxweynaha Ukraine Faladamir Zelenecky ayaa sheegay, in dalkiisa uu la wareegay dufcadii ugu horreysay ee dabaabaadka Abraamoz ee uu farsameeyo Mareykanka, isagoona xusay in arrinkaas uu ka qeyb qaadan doono xoojinta awoodda ay mellatariga dalkiisa u leeyihiin dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ruuhska.

Zelenecky waxa uu sidoo kale sheegay, in dalkiisa uu ka shaqeynayo sidii uu uheli lahaa dhammaan ahabyada mellatari ee daruuuriga ah, sida iney helaan diyaaradaha dagaalka ee F-16.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular