Dagaal culus oo udhaxeeya ciidamada xarakada shabaabul mujaahidiin iyo kuwa dowladda ayaa saakay ka qarxday deegaanka Nuur dugle oo hoostaga degmada Masaajid Cali guduud ee shabeellaha dhexe.
Dagaal kooban kadib ciidamada Alshabaab waxaa usuura gashay inay si buuxda ula wareegeen deegaanka.
illo wareedyo ku sugan deegaanka oo Alfurqaan la hadlay ayaa usheegay in bartamaha deegaanka lagu arkayo meydadka ciidamada dowladda.
saanad kala duwan iyo maxaabiis ayay gacanta ku dhigeen ciidamada xarakada alshabaab.
dagaalka saakay ka dhacay Nuur dugle ayaa kusoo beegmaya xili gobalka uu ku sugan madaxweynaha kaasi oo shalay diyaarad ku tagay degmada Aadan yabaal ee shabeelaha dhexe.
wixii soo kodha waannu soo gudbin doonaa inshaa allaah.