Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray laba weerar oo maanta ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.
Weeraradan oo lagu qaaday xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu xaqiijiyay geerida 16 ay kamid yihiin ilaalada madaxda ku sugan halkaas.
Xilligii uu weerarku dhacayay waxaa xarunta ku sugnaa Xasan Sheekh oo dhawaan kasoo laabtay dalka Jabuuti kaasoo horey uga badbaaday weeraro lagu khaarajin lahaa oo uu u dambeeyay kii bishii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Maxaas.