
Galabnimadii maanta, ,waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu dilay askari katirsan ciidamada booliiska Dowladda federaalka ee qaabka milliteriga u tababaran, kuwaasoo qaabilsan amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Rag hubeysan ayaa degmada Dayniile ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxay ku toogteen askarigan oo magiciisa lagu sheegay Cabdi Kaafi, markii dambena goobta ayay si nabad geliyo ah isaga tageen.
Dhinac kale, gobolka Laamu ee dalka Kenya waxaa ka dhacay weerar kamiin ah oo ay ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula beegsadeen ciidamada Kenya.
Kamiinka ayaa ka dhacay wadada weyn ee Tanarifa, waxaana lagu gubay gaari Taw ah oo ay ciidamada Kenya wateen, iyadoo ay jiraan khasaare nafeed oo aan cadadiisa rasmiga ah la helin.